Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka oo shir u qabatay Haweenka Degmada Qardho.

January 2, 2017 at 6:10 am By

Wasaarada Deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta Dowlada Puntland iyo hay’ada Care oo iska shanaya ayaa magaalada Qardho waxa ay tababar ugu qabtay haweenka kaaso kusaabsan sidii haweenka iyo bulshada qaybaheeda kala gadisan loogu wacyigalin lahaa ilaalinta deegaanka loogalana tashan lahaa sidii loo horumarin lahaa deegaanka.

Madaxa xiriirka dadwaynaha ee wasarada deeganka Abdiqan Hayir iyo isuduwaha wasarada deeganka gobolka karkaar Maxamed Muse waxayna shegen in muhimada tababarkan ay tahay tashi iyo aqoon iswedarsi ku aadan horumarinta iyo ilaalinta deegaanka masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay sheegeen in wasaaradu ay mudooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay sidii loo bedeli lahaa habka loogu nugul yahay abaaraha .



Qaar kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar u yihiin ilaalinta deegaanka marwalbana ay garab taaganyihiin Wasaarada deegaanka iyo Hay’adaha kala shaqeeya ilaalinta deegaanka oo ay Care international ay kamid tahay.

Comments are closed.