Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka Dawlada Puntland oo tababar u furtay gudiyada Ilaalinta deegaanka ee Degmooyinka Bandarbeyla, Qardho iyo Dangorayo.

October 22, 2016 at 10:42 am By

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ka furmay tababar loo qabtay gudiyada Ilaalinta deegaanka ee degmooyinka Bandarbeyla, Qardho iyo Dangorayo waxaana tababarkani uu ku saabsanaa sida looga gaashaanto isbedelka cimilada, qaabka looga faa’iidaysto biyaha roobka loona dhaqaalaysto biyaha, dhir beerista iyo wacyigelinta bulshada ee ilaalinta iyo dhowrista deegaanka.

1

2

Kusimaha agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka Maxamed Ciise Maxamed oo furitaankii tababarkan ka hadlay ayaa sheegey in tababarkaan oo ah tababar tababarayaal loogu talogalay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta heer bulsha ee dhowrista deegaanka loona badali lahaa fikradaha khaldan ee bulshadu ka qabaan Deegaanka iyo Duurjoogta.

3

4

5

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane, Faarax Cali Cabdi oo tababarkan furay ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha tababarka inay ka faa’iidaystaan casharada lasiinayo islamarkaasna ay dib u gaarsiiyaan bulshadii ay ka yimaadeen.

11

Comments are closed.