Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka Puntland iyo hay’adda SWALIM oo kawada hadlay qorshe u samaynta Isticmaalka biyaha iyo Dhulka Puntland.

September 20, 2016 at 5:50 am By

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafti sare oo kasocda xafiiska hay’adda sugnaanta iyo cuntada u qaabilsan qaramada midoobey laanteeda kaydinta macluumaadka biyaha iyo Dhulka FOA/SWALIM waftigaas oo uu hogaaminayey Waleed Al-Chorairy oo kamid ah madaxda sare sare ee hay’ada FOA/SWALIM waxaana ay ka wada hadleen sidii qorshe loogu samayn lahaa isticmaalka biyaha iyo dhulka Puntland iyadoo laga duulayo in la yareeyo colaadaha iyo isticmaalka khaldan ee lagu sameeyo khayraadka.

4

5

6

Shirkaan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo lataliyeyaal farsamo oo ka kala socday labada dhinac waxaa diirada lagu saaray arimo badan oo ku saabsan sidii la isku waydaarsan lahaa xogta deegaanka, Dhulka iyo Biyaha iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dadka iyo sidii loo samayn lahaa qorshe lagu maamulo hab ka wanaagsan ee isticmaalka biyaha iyo habsami u maamulka dhulka.

7

8

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar oo shirka furtay ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la sameeyo xarumo midaysan oo lagu kaydiyo xogta kala-saraynta dhulka, iyo habka isticmaalka biyaha ee ugu wanaagsan sidoo kalena waxay sheegtay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhamaan qorshayaashaas, , Agaasimaha Waaxda Maaraynta xogta ee wasaarada Deegaanka Cabdullaahi Maxamed Xussen ayaa shirka ka jeediyey qorshe ay wasaarada Deegaanku soo bandhigtay kaas oo ku saabsan isticmaalka biyaha Iyo dhulka kaas oo siwanaagsan dhinacyada ugu doodeen ugu danbayntiina is afgarad wanaagsan laga gaaray.

1

2

3

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirka wasaarada Deegaanka Puntland oo gabagabadii shirk ka hadlay ayaa u mahadceliyey waftiga sare ee kasocday hay’ada FOA/SWALIM booqashadooda ay kuyimaadeen Puntland waxaana uu wasiirku sheegey in loo baahanyahay in si dhakhsi ah loo fuliyo qorshaha wasaarada oo kusalaysan baahiyaha rasmiga ah ee Puntland ka jira waxaana wasiirku dhanka kale sheegey in wasaaradiisu ay ko foogantahay sidii loo wanajin lahaa khayraadka Dhulkeena si buuyiri looga boxo baahiyaha joogtada ah ee ay reer miyigu qabaan loona heli isku filnaansho balaaran oo dadkeenu gaaraan.

9

Comments are closed.