Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo kormeer ku yimid Wasaarada Deegaanka.

September 18, 2016 at 7:14 am By

img_7568

img_7570

img_7579

img_7586

img_7589

img_7592

img_7594

img_7599

img_7608

img_7615

img_7622

img_7629

img_7642

img_7651

img_7662img_7651Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa subaxnimadii hore ee saaka kormeer shaqo oo kedis ah ku yimid xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland.

Xilligii uu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegey xarunta Wasaarada ayaa waxaa ku sugnaa dhammaan Masuuliyiintii iyo shaqaalihii xarunta, iyadoona ay si wanaagsan u soconaysey hawl maalmeedkii caadiga ahaa ee Wasaarada.

Madaxweynaha ayaa markii uu kormeerkiisa ku tegey wasaarada waxaa uu mid mid u waraystay shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradda oo ah dadka qabta shaqooyinka dhabta ah ee ay Wasaaraddu fuliso isla markaana u badnaa dad dhallinyaro ah oo ay ka muuqatey karti iyo firfircooni dheeraad ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Wasiir ka wasaarada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa isagoona si hoose uga xog waraystay guud ahaan siyaasadda Wasaaraddiisa, qorsheyaasha u degsan iyo caqabadaha hortaagan.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhammaan masuuliyiinta xarumahaasi iyo shaqaalaha ka hawl-galaba shaqooyinka baaxadda leh ee ay qabteen iyo dedaallada dheeraadka ah ee ay muujiyeen isagoona kula dar-daarmay in ay sii dar-dar geliyaan baahinta adeegyada ay u hayaan bulshada.

Comments are closed.