Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska oo xilkii la wareegtay…(Sawiro).

April 16, 2016 at 6:31 am By

IMG_2224IMG_2224

IMG_2228

IMG_2249Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Marwo, Muna Daahir Dalmar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegtay xilkii Agaasimihii hore ee Wasaarada Dr. Cabdirisaaq Maxamed Cali. Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka Wasaarada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame Wasiir kuxigeenka wasaarada Faarax Cali Cabdi, wasiirka wasaarada Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke iyo marti sharaf kale oo aad u badan, Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo dalxiiska Faarax Cali Cabdi oo si rasmi ah u furay xaflada xil wareejinta ayaa uga mahadceliyey dhamaan shaqaalaha wasarada iyo agaasimihii hore ee wasaarada shaqada ay dalka u hayaan wuxuuna u rajeeyey in lasii laba jibaaro.

IMG_2261IMG_2248
Agaasimihii hore ee wasaarada Dr. Cabdirsaaq Maxamed Cali ayaa ka sheekeeyey taariikhdii ay wasaaradu soo martay iyo shaqooyinkii badnaa ee lasoo qabtay sidoo kalena wuxuu Agaasimuhu ka warbixiyey Mashaariicaha waawayn ee ay wasaaradu imika wado wuxuuna sheegey in uu rajaynayo in wasaaradu ay shaqadeeda sii laba jibaarto.

IMG_2266
IMG_2291
IMG_2288
IMG_2317
Agaasimaha cusub ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Marwo. Muna Daahir Dalmar oo si rasmi ah intaas kadib xilka loogu wareejiyey ayaa uga mahadcelisay wasiirka wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradu sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen waxaana ay sheegtay in in ay rajaynayso inay halkaas kasii wado shaqada wasaarada.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cuuke oo intaas kadib hadlay ayaa sheegey in uu ku faraxsanahay ka soo qaybgalistiisa xafladan waxaana uu sheegey in ay wasaarada Caafimaadka iyo Wasaarada Deegaanku leeyihiin xiriir dhow islamarkaasna ay tahay in lasii laba jibaaro shaqooyinkaas si looga shaqeeyo in caafimaadka dadka iyo Deegaankaba loo sugo loogana fogaado inay baa ba’aan.
IMG_2353
IMG_2368
IMG_2377
IMG_2393
IMG_2397
Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gagabadii xaflada si rasmi ah usoo xiray ayaa wasaarada kusoo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee wasaarada wuxuuna ilaahay u rajeeyey inuu xilka cusub u fududeeyo isagoo sheegey in isagu uu si gaar ah ula shaqayn doono si buu yiri loo wada guulaysto. IMG_2418

Comments are closed.