Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Tababar ku saabsan diyaarinta Mashaariicda iyo Qorista warbixinaha sare oo usoo gabagaboobay shaqaalaha Wasaarada Deegaanka DPL.

March 5, 2016 at 10:25 am By

1

Tababar ku saabsan diyaarinta, qorista iyo isku dubaridka mashaariicaha iyo diyaarinta warbixinaha maqaamka sare leh ayaa usoo gabagaboobey shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee soomaaliyeed, tababarkaan ayaa looga gol-lahaa in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada dhanka mashaariicaha ee shaqaalaha Wasaaradad.

2

3Tababarkan oo soconayey mudo todobaad ah ayaa lagu bixiyey casharo muhiim ah oo la xiriira qorista mashaariicda iyo diyaarinta warbixinaha muhiimka ah (Successful proposal and report writing) waxaana bixinayey khuburo kasocotay hay’adda AMREF oo ka shaqaysa bariga Africa islamarkaasna diyaarisa mashaariicaha waawayn, wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ayaa mudooyinkan waday mashaariico kala duwan oo wax looga qabanayo xaalada deegaanka ee dalka waxaana tababarkaan looga gol lahaa in shaqaalaha Wasaaradu ay sii laba jibaaraan awooda ay u leeyihiin fulinta iyo diyaarinta mashaariicaha kala duwan ee ay wasaaradu wado.

4

5

6
Agaasimaha waaxda shaqada, shaaqalaha iyo Tababarada shaqaalaha ee wasaarada Deegaanka Mudane, Axmed Maxamuud Axmed oo soo xiray tababarka ayaa u mahadceliyey dhamaan ka qaybgalayaasha tababarka waxaana uu sheegey in ay wasaaradu doonayso inay xoojiso xirfada shaqaalaha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Siyaasada wasaarada ayaa uu sheegey inay kow ka tahay in waxbadan laga qabto xaalada dalku kujiro sidaas darteedna ay muhiim tahay in aqoonta shaqaalaha kor loogu qaado si ay u diyaariyaan barnaamijyada iyo mashaariicaha maqaamka sare leh, agaasimuhu wuxuu u mahadceliyey hay’adda Care International oo qayb ka qaadatay taabagalka tababarkaan.

Comments are closed.