Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasiirka Deegaanka dawlada Puntland oo kormeer ku sameeyey Degmada Burtinle iyo deegaano hoosyimaada oo dhibaatooyin dhanka Deegaanka ahi ay ka jiraan.

March 2, 2016 at 8:47 am By

3 (2)

2 (2)

4 (2)Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa soo indha indheeyey shaqada
wasaaradu ka hayso deegaanka Qoor-Wiile iyadoona halkaas laga sameeyey
biyo celin laga dhisay deegaanka oo le’eg 750M, wasiirku wuxuu amray
in lasii laba jibaaro shaqada halkaas laga wad, intaas kadibna waxaa
uu booqday Baliga wayn ee Balli-Dacar oo ay ka jirto dhibaatooyin ay
sababeen fatahaado xiliyada roobka ka dhasha Baligaas iyagoona xaalif
ba’an kusameeyey deegaanka, Bali Dacar ayaa sidoo kale ay dhibaato
kutimid dhulka iyadoona qaybo kamid ah baliga ay ciidii xaaluftay
islamarkaasna waxaa ka dhashay daadadkaas Nabaad guur xoogleh,
Wasiirku wuxuu sheegey in wasaaradu ay si degdeg ah uga jawaabi doonto
dhibaatadaas islamarkaasna khuburo ay usoo diri doonto si looga
hortago indhaabtadaasi ay sii fido, kormeerkiisa Bali Dacar kadib
dadka magaalada Bali-Dacar ayaa qado sharaf so dhawayn ah u sameeyey
waftiga Wasiirka oo ay uga mahadceliyeen booqashadooda.

9 (2)
8 (2)
7 (2)

17

15

16Wasiirka Deegaanka iyo waftigiisa ayaa booqashooyinkoodii deegaanadaa
kadib galabta soo gaaray degmada Burtinle halkaasoo ay kulan balaaran
kula qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada Burtinle iyagoona kawada
hadlay ilaalinta deegaanka, ka hortaga dhibaatoyinka lagu hayo
deegaanka, iskaashi laga sameeyo dhibaatooyinka ka jira deegaanka
sidii loo joojin lahaa iyo arimo kale iyadoona wasiirku uu ugu danbayn
dadka reer Burtinle ugu baaqay inay u diyaargaroobaan barnaamij
Iskutashi ah oo wax looggu qabanayo Deegaanka si loo yareeyo
dhibaatooyinka jira.

Comments are closed.