Uncategorized

Wasiirka Deegaanka oo la wareegay Guri ay bulshada Bursaalax Wasaarada siisay soona kormeeray Barnaamijka hormarinta Bursaalax.

February 27, 2016 at 6:12 am By

1
2Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada
Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo maalmahaan
kormeer shaqo ku marayey gobolada Puntland ayaa galabta soo gaaray
Beesha Bursaalax oo katirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug
halkaasoo uu tagay dardargelinta iyo balaarinta howlaha shaqo ee ay
Wasaarada Deegaanku kawado gobolada dalka, Wasiirka ayaa sifiican
loogu soo dhaweeyey deegaanka Bursaalax isagoona kormeeray xarumaha
kaladuwan ee kuyaala Beesha Bursaalax.

3

2
4

5Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ugu horayn lagu wareejiyey guri ay
dadka beesha Bursaalax ugu talagaleen wasaarada deegaanka kaasoo si
toos ah ay Wasaaradu ula wareegtay iyadoona lagu fulin doono shaqada
wasaarada, sidookale wasiirka Deegaanku wuxuu la kulmay dadweynaha
magaalada Bursaalax isagoo kala hadlay arimo la xiriira hormarinta
deegaanka, isagoo iclaamiyey in wasaaradu ay si toos ah usoo dagi
doonto Beesha Bursalax, Shacabka magaalada ayuu wasiirku ka codsaday
inay xilwayn iska saaraan badbaadinta iyo hormarinta deegaanka waxaana
uu sheegey in wasaaradu ay diyaar u tahay inay dadweynaha kala
shaqayso hormarka isagoona ku baaqay in la sameeyo barnaamijyo “Iskaa
Wax u qabso” ah kuwaasoo uu sheegey in aad loogu baahanyahay.

6

7

10

11Wasiir Cali Cabdullahi Warsame ayaa intaas kadib booqday Barnaamijka
hormarinta bulshada Bursaalax oo ah mashruuc balaaran oo isku tashi ah
kaasoo ka kooban qaybo isugujira Iskuulo Waxbarasho, Caafimaad, xarumo
dadka lagu tababaro iyo meelo kale, Wasiirka ayaa soo indha-indheeyey
qaybaha kaladuwan ee Barnaamijkaasi ka koobanyahay waxaana uu warbixin
ka dhagaystay maamulaha iyo howlwadeenada Xarunta, Wasiirku wuxuu
intaas kadib sheegey inu ku faraxsanyahay booqashadiisa isagoo ku
amaanay bulshada reer Bursaalax dal iyo dibadba sida wanaagsan ee ay u
hormariyeen deegaankooda.

Comments are closed.