Uncategorized

Wasiirka Deegaanka dawlada Puntland oo booqday goobihii xirmaysiga laga burburiyey ee Xarfo lana kulmay bulshada.

February 27, 2016 at 6:26 am By

1 (1)Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada
Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta
booqasho ku tagay degmada Xarfo ee gobolka Mudug isagoo halkaas u
tagay inuu u kuurgalo xaalada magaaladaas iyo gaar ahaan howlo shaqo
oo ay wasaarada Deegaanku ka waday degmada Xarfo kuwaasoo lagu furayey xirmaysiga dhibaatooyinka ku hayey dadka iyo duunyada deegaanada hoosyimaada degmada Xarfo.

2 (1)

3 (1)

5 (1)

4 (1)Wasiirka ayaa ugu horayn xarunta degmada kula kulmay maamulka degmad
Xarfo iyo golaha deegaanka magaalada kuwaasoo uu kala hadlay arimo la
xiriira hormarka Magaalada iyo arimo quseeya hormarinta deegaanka
iyadoo laga fogaanayo dhibaatoyinka deegaanka, Wasiirku wuxuu warbixin
ka dhagaysatay saraakiishii wasaarada, maamulka degmada iyo dugsiga
tababarka ee Abqaale kuwaasoo magaalada ka waday howlgal culus oo lagu
burburinayey xirmaysiga sharci darada ah ee ka jiray degmada Xarfo
kuwaasoo in kabadan 60 xirmo oo qaarkood mudo badan jiray lagu
burburiyey.

Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa intaas kadib shir balaaran la qaatay
bulshada magaalada kaasoo uu uga hadlayey arimaha bilicda magaalada,
la dagaalanka xirmaysiga, ka hortagida waxyaabaha dhibatada ku haya
deegaanka, sidii bulshadu isugu tashan lahayd iyo arimo badan kuwaaso
ay dadka magaalada isla fahmeen.

6 (1)

8 (1)

9 (1)

Wasiirka ayaa shirkaas kadib soo
booqday meelihii laga burburiyey xirmaysiga kuwaasoo xiligii uu
booqanayey daaqayeen xoolihii mudada badan laga hortaagnaa waxaana uu
codsaday in shaqadaas lasii wado islamarkaasna wuxuu sheegey in ay
dhawaan ka bilaabi doonaan degmooyinka kale ee Puntland, Wasiirku
wuxuu sheegey inaanan marna la ogalaan doonin in dadka la xanibo
islamarkaasna cidi dhulka iska xirato ayagoo ku marmarsiiyonaya beero
iyo waxyaalo kale.

Comments are closed.