Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka oo Dhir ku beeraysa Xabsiga dhexe ee Garoowe.

January 20, 2016 at 10:01 am By

2

Waxaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka xarunta dhexe ee taliska Asluubta Puntland oo kuyaala Xabsiga dhexe ee Garoowe xaflad balaaran oo lagu furayey Mashruuc ay wasaarada Deegaanka dawlada Puntland kaga bilaabayso Xabsiga dhexe ee Garowe kaasoo ay ku dhiraynayso Xabsiga laguna hagaajinayo bilicda iyo quruxda xabsiga.

8

9Agaasimaha waaxda Deegaanka ee Wasaarada deegaanka Maryan Maxamed Aden oo furtay shirkaas ayaa sheegtay in qorshaha ay Wasaaradu ku dhiraynayso Xabsiga dhexe loola jeedo in lagu qurxiyo bilicda xabsiga islamarkaasna lagu beeri doono xabsiga 500 oo geed kuwaasoo isugujira geed miroodyo, kuwa ubax iyo Geed hareedyo taasoo bay tiri qayb ka noqonaysa dadaalka ay wasaaradu ku doonayso inay kor u qaado isticmaalka qurxinta iyo dhiraynta Puntland oo dhawaan si gaar ah looga samayn doono xarumaha kaladuwan ee danta guud loogu adeego.

17
Taliye kuxigeenka ciidanka Asluubta Puntland oo isna ka hadlay shirka ayaa uga mahadceliyey wasaarada muhiimada ay siisay Xabsiga dhexe waxaana uu sheegey inay ilaalin doonaan kuna dadaali doonaan sidii dhirtaas loogu isticmaali lahaa si wanaagsan iyadoo aanan la marin habaabinayn qorshihii laga lahaa, Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay inay tani qayb ka qaadanayso qurxinta iyo haraynta xabsiga dhexe iyo taliska guud ee ciidamada Asluubta dawlada Puntland.

1

6Wasiir kuxigeenka wasaarada Deeegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane, Faarax Cali Cabdi ayaa beeray geedkii ugu horeeyey ee lagu beeray xabsiga dhexe ee Garowe waxaana uu sheegey in loo baahanyahay in saraakiisha ciidamada Asluubtu ay si gaar ah u xanaaneeyaan dhirtaas kaladuwan ee lagu warejiyey isagoona sheegay in Xabsiga oo ah kan ugu wayn Puntland ay rajaynayaan inuu sidoo kale noqdo midka ugu quruxda badan Soomaaliya, wasirku wuxuu sheegey inay dabagal iyo qiimayn joogto ah ku hayn doonaan Mashruucan.

4

4

3

5

Comments are closed.