Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka iyo Maamulka Caasimada Garoowe oo ka wada hadlay Cagaarinta iyo qurxinta Garoowe.

January 16, 2016 at 9:55 am By

 

3Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed iyo maamulka caasimada dawlada Puntland ee Garoowe ayaa kawada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dib u habaynta bilicda iyo quruxda magaalada Garoowe taasoo ay kujirto in caasimada la cagaariyo iyo in kor loo qaado bilicda magaalada.

2Shirkan oo uu shirgudoominayey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka ahna kusimaha Wasiirka Faarax Cali Cabdi wuxuu ka dhacay xarunta dhexe ee wasaarada  waxaana ka qaybgalay agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka, agaasimaha waaxda xiriirka gobolada ee Wasaarada, isuduwaha Wasaarada ee gobolka Nugaal, maamulaha degmada ee Wasaarada iyo Duqa Caasimada Puntland ee Garoowe.

5

Shirka waxaa looga hadlay sidii dib loogu eegi lahaa wadashaqaynta wasaarada iyo maamulka Degmada waxaana lagu falanqeeyey arimo la xiriirira baahiyaha ka jira degmada ee dhanka ilaalinta, qorshayaasha degmada ee hormarinta bilicda iyo barnaamij siyaasadeedka wasaarada deegaanku ay ka leedahay cagaarinta iyo qurxinta caasimada Puntland iyo guud ahaan magaalooyinka kale ee Puntland.

3

4Wasiir kuxigeenka Wasaarada oo shirka furay ayaa uga mahadceliyey booqashada duqa magaalada Garowe ee xarunta wasaarada wuxuuna sheegey inay doonayaan In la iswaafajiyo shaqooyinka dawliga ah ee hormarinta magaalada si buu yiri Wasiirku looga hortago xaalufka iyo dhibatoyinka kale ee deegaanka kajira, Duqa magaalada Garowe ayaa dhinaciiisa soo dhaweeyey martiqaadka loo sameeyey waxaana uu shegey inuu si gaar ah ula shaqayn doono Wasaarada xafiiskeeda degmada isagoo sheegey inay dhawaan wasaarada usoo gudbin doonaan Baahiyaha ka jira dhanka deegaanka, shirka ayaa kusoo dhamaaday Jawi wanaagsan waxaana loo balamay shir kale oo dhinacyadu sifican isula lafa guraan arimihii laga wada hadlay.

Comments are closed.