Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka oo u kuurgalay shaqada wasaarada deegaanka ee Buuhoodle.

January 12, 2016 at 5:40 am By

2Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane, Faarax Cali Cabdi ayaa kormeer shaqo kutagay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ee dawlada Puntland isagoo u kuurgalyey xaalada gobolka iyo gaar ahaana shaqada ay wasaaradu ka hayso gobolka, Wasiirka ayaa u kuurgalay xaalada beerta kobicnta dhirta(nursery) ga magaalada Buuhoodle iyo xaruntii dib usoo celinta dhirtii dabar go’aday( rehabilitation center).

1

4

3

Wasiirka ayaa sidoo kale la shiray dadweynaha magaalada Buuhoodle oo isagoona sheegey in wasaaradu sii laba jibaari doonto shaqada ay ka hayso gobolka Cayn iyo guud ahaan gobolada kaladuwan ee dawlada Puntland, dadweynaha magaalada ayaa siweyn usoo dhaweeyey wasiir Faarax iyagoo uga mahadceliyey soo booqashadiisa, Safarka wasiirka ayaa guul kusoo dhamaaday.

5

Comments are closed.