Dhacdoyinka / Uncategorized / Warka

Wasaarada Deegaanka Puntland oo hay’ada UNDP kala wareegtay Barnaamij wax ka qabadka Isbedelka Cimilada

October 8, 2015 at 3:49 pm By

Kulan maanta ku dhexmaray xafiiska Wasiirka wasaarada Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Guuleed Saalax Barre iyo madaxa hay’ada UNDP Puntland Mr Sayid Sahibsada ayaa lagu kala saxiixday heshiis ku saabsan mashruuca wax ka qabadka isbedelka Cimilada Puntland.

 

Madaxa hay’ada UNDP Mr Sayid Sahibsada wuxuu sheegay in mashruucan yahay mid lagula tacaalayo isbedelka cimilada wuxuuna muhiim yahay wax ka qabashada dhibaatada ka timidaada ama ay keentay, Mr. Sayid wuxuu tilmaamay in mashruucan muhiim u yahay dadka Puntland iyo wasaarada Deegaanka Puntland.

Guuleed Saalax Barre wuxuu hay’ada UNDP uga mahadceliyey ku wareejinta mashruucan oo ka kooban ilaa saddex qaybood oo ugu weyn tahay wax ka qabashada saamaynta isbedelka cimilada Puntland, wuxuu sheegay wasiirku in mashruucan sidoo kale ku dhex jiro barnaamijyo lagu hor marinayo deegaanka sida biyo xireeno la dhiso, dayactir lagusameeyo boholada ka qodmay roobabka da’a iyo la dagaalanka xaalufinta.

Mashruucan wasaarada maanta saxiixday ayaa dhawaan lagu wareejin wuxuuna socon doonaa muddo afarsano ah ee soo socata, horay wasaaraddu waxay u qabatay shirar wax looqagaba xaalufka deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Comments are closed.