Warka

Siyaasada Deegaanka Puntland oo Garowe lagu soo bandhigay (Sawirro)

October 8, 2015 at 5:31 pm By

Garowe(P-Today) Wasaradda Deegaanka daaqa,duurjoogta iyo dalxiiska dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis magalada Garowe kusoo bandhigtay buug soo koobaya siyaasada Deegaanka.

Munaasidda buugaan lagu soo bandhigayay oo lagu qabtay hoolka shirarka Hotel Rayaan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda wasaraddaha deegaanka, Amniga,Cadaalada iyo qaar ka mid ah shacabka magalada Garowe.

Kulankan waxaa xiriiriye ka ahaa Cabdilaahi Maxamed Xuseen oo ah agaasimaha maareynta macluumaadka deegaanka iyo cilmi baarista, wuxuna sheegay inay kulamo noocaan oo kale ah kusoo qabteen qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland.

Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaradda Deegaanka Puntland Mudane Liibaan Maxamed Farax ayaa faah faahin rasmi ah ka baxshay siyaasadda deegaanka iyo marxaladihii ay soo martay, wuxuu sheegay sababta siyaasadaan loo sameeyay inay tahay sidii loo bad baadin lahaa xaalufka xoogan ee lagu hayo deegaanka, dirta iyo duurjoogta, Liibaan waxa uu tilmaamay inay waajib ka saaran tahay qof kasta oo ku nool Puntland inuu ilaalsho deegaanka uu ku nool yahay.

Kasoo qayb galayaasha bandhigaan ayaa waxaa ka mid ahaa ardayda Jaamacaddaha iyo Iskuulada sare, wuxuuna Agaasimaha Qorsheynta ee wasaraddu, ardayda kula dardaarmay inay dowrkooda ka qaataan sidii deegaanka loo ilaalin lahaa isla markasna siyaasadda lasoo bandhigay loo gaarsiin lahaa xaafadaha.

Masuuliyiintii ka socotay wasaradda Cadaalada iyo Amniga ayaa dhankooda soo dhaweeyay siyaasada Deegaanka, waxay sheegeen inay wax badan ka tari doonto aqoon darida haysatada dadka har iyo habeen dabar jaraya dhirta iyo duurjoogta.

Qaar ka mid ah kasoo qayb galayaashii madashan ayaa hadlay,waxayna dhankooda balan qaadeen inay ku dhaqmi doonaan siyaasadda Deegaanka, ayna guryahooda ku beeri doonaan geedo si loo inticfaacsano waqtiga danbe.

Wasaradda Deegaanka ayaa sidaan oo kale buuga siyasada Deegaanka kusoo bandhigtay magaalooyinka Qardho, Dhahar iyo Gaalkacyo.
IMG_0518

IMG_0520

IMG_0524

IMG_0530

IMG_0533

IMG_0543

IMG_0545

IMG_0551

IMG_0559

IMG_0563

IMG_0564

IMG_0566

IMG_0573

IMG_0575

IMG_0581

IMG_0584

IMG_0587

IMG_0588

IMG_0589

IMG_0514
Puntlandtoday.com

Comments are closed.